health-benefits-of-garlic-2000-482c21fd2d154102a9b7a46ccb34e70a (1)

GARLIC

Waa maxay Toontu.?

Toontu waa walxo kala duwan oo qarniyo badan laga isticmaali jiray cuntooyinka kala duwan ee caalamka. Ma aha oo kaliya inay dhadhan ku darto untada, laakiin waxay sidoo kale bixisaa faa’iidooyin caafimaad oo ballaaran.Mid ka mid ah faa’iidooyinka caanka ah ee toonta ayaa ah awoodda ay u leedahay in ay kor u qaaddo habka difaaca jirka. Toontu waxa ay ka kooban tahay isku-dhisyo la ogaaday in ay kor u qaadaan shaqada hab-dhiska difaaca, iyaga oo ka caawiya jidhka in uu iska difaaco caabuqyada iyo cudurrada.

Guud ahaan, toonta waa shay awood leh oo bixisa faa’iidooyinka cunto karinta iyo caafimaadka labadaba. Ku darista toonta cuntadaada kaliya ma wanaajin karto dhadhanka cuntada laakiin sidoo kale waxay hagaajin kartaa caafimaadkaaga iyo fayoobidaada guud

Faa’iidooyinka ay u ledahaY jirka toonTu

top-view-vegetable-salad-with-eggs-greens-seasonings-white-background-meal-food-ripe-color

Eating a balanced diet

Cunista cunto Isu Dheeli-tiran

ma ogtahay in jirkaagu kugu abaal marinayo sidoo kale kugu ciqaabi karo waxa aad cunayso?

Ilaalinta cuntada jirkaaga galaysaa waa ilaalinta caafimaad qabka jirkaaga iyo maskaxdaadaba.

Cuntada isku dheeli tirani waa midda buuxisa dhammaan baahiyaha nafaqeed ee qofka.

Bini’aadamku wuxuu u baahan yahay qadar go’an oo kalooriyo ah (energy) iyo nafaqooyin si uu u ilaasho caafimaad qabkiisa.

Cuntada isu dheellitiran ayaa laga helaa dhammaan nafaqooyinka uu jirku u baahan yahay, iyada oo aan la dhaafayn xadka kaloriinta maalinlaha ah.

Marka aad isticmaasho cunto isu dheelitiran, waxaad ka helaysaa nafaqooyinka iyo tamarta jirkaagu u baahanyahay.

Marka loo eego talooyinka waaxda beeraha ee Maraykanka United States Department of Agriculcure(USDA), kala badh saxanka qofka waa inuu ka kooban yahay cuntada balka leh iyo khudaar. Badhka kale waa in laga sameeyaa hadhuudh iyo borotiin.

5ta kooxood ee cuntada

Cunto caafimaad leh oo dheellitirani waxay ka koobantahay shantan kooxood:

Khudaarta

Fruits

badarka

borotiinka

caanaha ama waxa caano ka yimi sida subagga sixinka ah

Vegetables(khudaar)

Kooxda khudaarta waxa ka mid ah shan kooxood oo hoose:

cagaarka caleenta ah

khudaarta cas ama liinta

khudaarta istaarijka ah

digirta ama beans(legumes)

Si aad u hesho nafaqo ku filan jirkaaga iyo tamar wanaagsan waa inaad doortaa khudaar kala duwan.

Intaa waxaa dheer, USDA waxay ku talinaysaa in dadku ay cunaan khudaarta nooc kasta oo ka mid ah toddobaad kasta.

Qofku wuxuu doorbidi karaa khudaarta cayriin ama midda karsan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah inaad xasuusnaato in karinta khudaarta ay meesha ka saarayso qaar ka mid ah qiimaha nafaqada. Sidoo kale, hababka qaarkood, sida shiil qoto dheer, waxay ku dari karaan dufan aan caafimaad ahayn.

Fruits

Cuntada isku dheelitiran sidoo kale waxaa ku jira miro(fruits) badan. khubarada nafaqadu waxay ku talinayaan in la cuno miraha oo dhan.

Fruitsku waa il heer sare ah oo laga helo fiitamiinnada iyo macdanta muhiimka ah, waxaana aad ugu badan fiber-ka.

Fruitska ayaa sidoo kale laga helaa tiro ballaaran oo ah antioxidant-ka kor u qaada caafimaadka, oo ay ku jiraan flavonoids.

Grains (miraha galka leh)

Waxaa jira laba koox-hoosaadyo: miro dhan(kuwo galkii wata) iyo miro la safeeyey(kuwo galka laga saaray).

Miraha oo dhan waxaa ka mid ah dhammaan qaybaha hadhuudhka,.

Jidhku si tartiib ah ayuu u shiidaa cuntada balka leh oo dhan, si ay saamayn yar ugu yeeshaan heerka sonkorta dhiiga jirka.

Intaa waxaa dheer, badarka ikudhan waxay ka kooban yihiin fiber iyo borotiin ka badan kuwa la sifeeyey ama galka laga saaray.

Miraha caafimaadka leh waxaa ka mid ah:

quinoa

boorash

bariiska bunniga ah

shaciir

buckwheat

Protein

Tilmaamaha Cunnada ee 2015-2020 ee loogu talagalay dadka Mareykanka ah ayaa sheegaya in dadka oo dhan ay tahay inay ku daraan borotiinka cufan cuntadooda caadiga ah.

Tilmaamuhu waxay soo jeedinayaan in borotiinkani uu ka koobnaado rubuc saxan cuntada qofku cunayo.

Doorashooyinka borotiinka nafaqada leh waxaa ka mid ah:

Hilibka lo’da

Digaagga

Kalluunka

Digir,

 

Dairy (Caanaha)

Dairy product: caanaha iyo wax kasta oo ka mid ah cuntooyinka caanaha laga sameeyo, oo ay ku jiraan subagga, farmaajada, caano fadhi ah, iyo caano la shiiday oo la qalajiyey.

Bini’aadmigu wuxuu caanaha isticmaalayey ilaa bilawgii bar bilawgiisii si ay uga faaidaystaan caanaha iyagoo fareesh ah iyo iyagoo la kaydin karo labadaba.

Waddamada qaarkood ku dhawaad ​​kala bar caanaha waxaa loo cabbaa fareesh ahaan, inta kalana waxaa loo badalaa waxyaalo kale oo kayd gali kara

Caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo ayaa ah isha ugu muhiimsan ee kaalshiyamta.

USDA waxay ku talinaysaa in la isticmaalo noocyada caanaha ee dufanka yar inta badan.

Cuntada aan isu dheeli tirneyn waa sababta ay dadku ula dhibbanyihiin dhimista miisaanka.

Marka lagu daro jimicsi joogto ah, cuntada isu dheelitiran ayaa qofka ka caawin karta in uu yareeyo khatarta buurnida ama miisaanka.

Cuntada isu dheelitirani waxay qofka uga caawisaa dhimista miisaanka qaababkan:

kordhinta qaadashada borotiinka

ka fogaanshaha karbohaydraytyada xad dhaafka ah ama cuntooyinka warshadaysan

helitaanka nafaqooyinka lagama maarmaanka ah, oo ay ku jiraan macdanta, fiitamiinnada, iyo fiber

ka.

Gunaanad

Cunista cunto dheeli tiran waxay la macno tahay cunista cuntooyinka shanta kooxood ee waaweyn oo aan kor ugasoo hadalnay.

Tilmaamaha cunnada ayaa isla baddela waqtiga, marka saynisyahannadu ay ogaadaan macluumaad cusub oo ku saabsan nafaqada.

health eye (2)

How To Keep The Eye Health and Sight

Sideed u ilaalin kartaa caafimaadka indhahaaga iyo araggaaga?

Indhuhu waxa ay ka mid yihiin xubnaha ugu xasaasisan ama ugu qaalisan ee jidhkaaga ku jira, kuwaas oo leh dhismayaal kala duwan oo si wada jir ah uga wada shaqaynaya si ay indhahaagu wax u arkaan. Araggu waa hab dhismeed adag, waana sababta ilaalinta caafimaadka qabka indhaha ay aad muhiim ugu tahay.

Barashada sida kor loogu qaado caafimaadka indhaha ayaa fure u ah hubinta in qaab-dhismeedka indhuhu ay caafimaad qabaan, oo ay si fiican u shaqeeyaan ilaa iyo inta suurtogalka ah.

  1. Ilaali caafimaad qabka cuntada iyo isu dheelitirnaanteeda

Inaad isticmaasho cunto caafimaad leh oo isu dheeli tiran waa hab aad u wanaagsan oo ku ilaalin karto caafimaad qabka indhahaaga iyo araggaaga.

Cunto caafimaad leh oo dheellitiran ayaa lagu tilmaamaa inay tahay cunto ay ku dhan yihiin nafaqooyinka kala duwan ee jirku u baahanyahay sida khudaarta, dufanka iyo borotiinnada caafimaadka qaba. Cunto caafimaad leh oo isu dheeli tiran waa mid ay ku yar tahay dufanka buuxa iyo sonkorta lagu daray.

Inaad isticmaasho cunto caafimaad leh oo isu dheeli tiran waxay u fiican tahay jidhkaaga iyo guud ahaan caafimaadkaaga, sidoo kale faa’iido wayn ayay u leedahay indhaha.

Markaad cunto cunto wanaagsan, waxaad jidhkaaga siinaysaa shidaalka uu u baahan yahay, waxaadna ka caawinaysaa kor u qaadida difaaca jirka iyo ka caawinta yaraynta halista xaaladaha caafimaad sida sonkorowga, cudurada wadnaha iyo arrimaha kale ee la xidhiidha xididdada dhiigga, kuwaas oo saameeya indhaha.

Haddii dadku ay ilaalin waayaan caafimaad qabka cuntada iyo isu dheellitirnaanteeda, waxay naftooda gelinayaan khatar sare oo ah cudurro daba-dheeraada, cayyil, iyo xaalado kale oo caafimaad sida kansar.

Haddii aadan cunto wanaagsan cunin, indhahaagu ma helayaan nafaqooyinka loo baahan yahay si ay ugu shaqeeyaan si fiican.

waxaa jira cuntooyin gaar ah oo leh macdan iyo fiitamiinno si gaar ah u caawiya caafimaadka indhaha, kuwaas oo gacan ka geysta yaraynta khatarta arrimaha aragga sida caadka indhaha. Sida laga soo xigtay Havard Health, fiitamiinnada, A, C, E, macdanta zinc iyo omega-3 fatty acid DHA, ayaa laga yaabaa inay gacan ka geystaan ​​ilaalinta indhaha iyo caafimaad qabka aragga.

Cuntooyinka u wanaagsan ilaalinta caafimaadka indhaha waxaa ka mid ah kalluunka, lawska, iniinaha iyo caleenta cagaaran. Cuntooyinkani waxay gacan ka geystaan ​​ilaalinta xubnaha kala duwan ee isha waxayna ka caawiyaan ka hortagga cudurrada indhaha sida kuwa da’da la xiriira; age relatedmacular degeneration (AMD) iyo glaucoma.

2.  Samee tijjaabo aad kula soconayso indhahaaga iyo aragga. 

In si joogta ah loo baaro ama loola socdo heerka caafimaad ee indhaha waa mid ka mid ah talooyinka ugu muhiimsan ee lagu ilaalinayo caafimaadka indhaha iyo aragga.

Baaritaanka isha waxaa lagu qeexaa habraac uu dhakhtarka indhaha, ama xirfadle kale oo daryeelka indhaha ah uu qaado si uu u hubiyo caafimaadka indhahaaga kuna qiimeeyo bad-qabka araggaaga.

Tijaabada indhuhu waxa ay ku lug leedahay baadhitaano dhawr ah sida tijaabada tonometry oo cabbiraya cadaadiska indhaha iyo cabbir kaas oo dhakhtarka indhuhu ku eegayo tayada araggaaga.

Tijaabinta caafimaad qabka indhuhu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah ilaalinta caafimaadka indhaha sababtoo ah waxay u oggolaanaysaa dhakhtarkaaga indho-indheynta inuu ogaado arrimo kasta oo aragga saameeya, ama cudurrada indhaha sida glaucoma ama cataracts.

Baaritaanka caafimaadka indhaha ee caadiga ah waxay la macno tahay in xaaladahan la ogaado goor hore, si ayan u noqon dhibaato ka weyn mid wax laga qaban karo hadhow.

Qaar ka mid ah xanuunada indhaha, sida kuwa da’da la xiriira (AMD), ma muujiyaan calaamadaha ilaa heerarka dambe ee cudurka. Taasi waa sababta, xitaa haddii aad isleedahay in araggaagu fiicanyahay, waxaa muhiim ah inaad sameyso baaritaan indhaha ah.

3.  Jooji sigaarka

Joojinta sigaarku waa hab weyn oo lagu ilaalin karo caafimaadka indhaha iyo aragga. Sigaar cabista waxaa loola jeedaa ku dhaqanka isticmaalka tubaakada ama hala qiiqiyo sida sigaarka ama sideeda halloocabbee.

Sigaar cabista ayaa cilmi ahaan loo caddeeyey in ay u xun tahay caafimaadkaaga guud, waana kamid caafimaadka indhuhu.

Sigaar cabista ayaa la ogaaday inay waxyeelo u geysato qaybaha kala duwan ee isha oo ay ku jiraan retina iyo macula(qaybaha qaabilsan aragga).

Sigaar cabista ayaa lala xiriiriyay kordhinta khatarta dhowr cudur oo indhaha ah, oo ay ku jiraan (AMD), cataracts(caadka) iyo guud ahaan caafimaad darrada indhaha.

Daraasad ay sameeyeen Maamulka Cunnada iyo Dawooyinka ee Maraykanka (FDA), kuwa sigaarka cabba waxay u dhexeeyaan laba ilaa saddex jeer in ay uga dhow yihiin in uu ku dhaco indho-beelka marka loo eego kuwa aan sigaarka cabbin.

Dadka sigaarka cabba waxay sidoo kale ilaa afar jeer uga dhowdahay inay ku dhacaan macular degeneration (AMD) da’da la xiriirta marka loo eego kuwa aan sigaarka cabbin.

Joojinta sigaarka waa tallaabo weyn oo lagu ilaalin karo caafimaadka indhaha, iyo aragga.

4.  Xaddid Waqtiga Shaashada aad isticmaalayso

Xaddidaadda wakhtiga shaashaddu waa mid ka mid ah talooyinka ugu wanaagsan ee lagu ilaalinayo caafimaadka indhaaga iyo araggaaga.

Waqtiga shaashada waa wakhtiga aad ku qaatay daawashada shaashadaha dhijitaalka ah, ha ahaato tan kombuyuutar, tv-ga ama moobeelada casrigaa.

Wakhtiga dheer ee shaashadda ayaa lala xiriiriyay saameyn taban oo indhaha ah, oo ay ku jiraan cadaadiska indhaha, daalka indhaha iyo indho qallaylka.

Iftiinka buluugga ah ee kasoo baxa aaladaha dhijitaalka ah ayaa sidoo kale saameyn taban kuleh caafimaadka indhaha.

Iftiinka buluugga ah waa nooc ka mid ah iftiinka sida dabiiciga ah uga soo baxa qorraxda. Iftiinka buluugga ah sidoo kale wuxuu noqon karaa mid macmal ah waxaana loo isticmaalaa shaashadaha dhijitaalka ah sida laptops, kombiyuutarada iyo telefoonada. In kasta oo ay hadda jirto caddayn saynis ah oo xaddidan oo soo jeedinaysa iftiinka buluugga ah inuu wax saameyn ah ku yeelanayo indhaha, sida laga soo xigtay UAB Medicine, caddaynta shaybaarka ee xayawaanka ayaa soo jeedisay in iftiinka buluugga ah uu waxyeello u geysan karo unugyada retinaha(qeybta aragga). Iftiinka buluugga ah ayaa sidoo kale keena hurdo yari.

Adigoo xaddidaya wakhtiga shaashadda ama qaadanaya nasasho markaad eegayso shaashadaha wakhti dheer, waxay ka caawinaysaa inaad ilaaliso caafimaadka indhahaaga.

Haddii dadka looga baahan yahay inay ku jiraan aaladaha dhijitaalka ah muddo dheer, waxaa jira siyaabo looga ilaaliyo indhaha saamaynta shaashadda.

Adeegso qaanuunka 20/20/20 kaas oo soo jeedinaya in 20kii daqiqo kasta ee wakhtiga shaashadda, aad ka jeensato 20 ilbiriqsi oo aad indhahaaga saarto wax 20 cagood u jira.

Waxaa kale oo jira muraayado iftiin buluug ah oo xannibaya oo laga yaabo inay kaa caawiyaan inay xidhaan iftiinka buluuga ah ee soo galaya indhaha saasna ay ku yareeyaan cadaadiska indhaha iyo carqaladaynta hurdada uu sababayo iftiinka buluugga ahi.

5.  Xiro muraayada indhaha

Xirashada muraayaduhu waa hab wanaagsan oo lagu ilaaliyo caafimaadka indhaha iyo aragga.

Sunglasses waa nooc ka mid ah muraayadaha indhaha oo loogu talagalay inay indhaha ka ilaaliyaan ultraviolet ama iftiinka UV ee ka yimaada qorraxda. Iftiinka UV ayaa la caddeeyey inuu waxyeelo u geysto qaybaha indhaha, oo ay ku jiraan cornea, lens-ka, retina iyo daboolka indhaha.

Sida laga soo xigtay Akademiyada Maraykanka ee Ophthalmology, soo-gaadhista muddada dheer ee iftiinka UV waxay kordhinaysaa khatarta ah inay ku dhacaan indhaha xanuunada indhaha sida caadka indhaha fuula iyo kansarka indhaha.

Waa muhiim marka aad iibsanayso muraayadaha indhaha inaad tixgeliso inta ay le’eg tahay xaddiga difaac ee ay leeyihiin.

Safety eyewear waa nooc kasta oo muraayado indho ah oo ilaaliya bad-qabka indhaha oo ka ilaalinayo waxyeello ama dhaawac ka iman kara goobaha shaqo.

Waa muhiim in qofku xidho ookiyaalaha dhakhtarku u qoray haddii uu dhakhtarka u sheegay inuu si joogtaa u xirto.

Haddii aad leedahay xaaladaha arag yarida sida hyperopia, myopia ama astigmatism muraayadaha laguu qoro waxay saxayaan dhibaatada aragga yarida waxayna kaa caawinayaan inaad si faseexa wax u aragto.

6.  Ka dheerow jeermiska iyo jeermis sidaha sababa xanuunada indhaha

Ka fogaanshaha jeermiska waa talo aad u fiican marka la ilaalinayo caafimaadka indhahaaga iyo bad-qabka aragga.

Ka fogaanshaha jeermiska waxaa loola jeedaa ilaalinta nadaafadda indhaha.

Nadaafadda indhuhu waa muhiim maxaa yeelay waxay kaa ilaalinaysaa in indhuhu qaadaan caabuqyada sida sty, iyo conjunctivitis(caabuqyo ku dhaca isha korkeeda).

Waxaa jira dhowr siyaabood oo aad jeermiska uga ilaalin karto indhahaaga oo ay ka mid tahay in aan indhaha lagu taaban gacmo wasakhaysan, in aan la isticmaalin waxyaabaha la isku qurxiyo oo duug ah, iyo nadiifinta muraayadaha indhaha si joogto ah.

7.  Samee firfircooni jir ahaaneed (Be Physically Active)

Firfircoonida jidh ahaaneed waa qayb muhiim ah oo ka mid ah hababka lagu ilaaliyo caafimaadka indhaha iyo caafimaadka guudba ee jidhkaba.

Firfircoonida jir ahaaneed ama jimicsigu waa samaynta nooc ka mid ah dhaqdhaqaaqa jidhka; hadday tahay socodka, orodka, dabaasha, qaadista miisaanka jimicsiga, feerka iyo ciyaarista kubbadda cagta si joogto ah.